Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo…

Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ay ku cambaareynayaan waxa ay ku tilmaameen faragelin iyo abaabul colaadeed oo ay dowladda Federaalka ka waddo deegaannada Puntland.
Xildhibaanadaan oo ka soo jeeda Puntland iyo Jubbaland ayaa Xukuumadda Somalia ku eedeyey inay ku guuldarreysatay dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, isla markaana ay tamarteeda u weecisay, sida ay sheegeen, hurinta colaado iyo khalqal amni oo ka dhan ah Puntland.
Xildhibaannadu waxay sidoo kale ku doodeen in tallaabooyinka noocaas ahi ay khatar ku yihiin midnimada dalka, isla markaana ay horseedi karaan xasilooni-darro siyaasadeed iyo mid amni.
Sidoo kale, bayaanka ayaa loogu baaqay ciidamada iyo shacabka Puntland inay adkeeyaan feejignaanta, isla markaana ay ka hortagaan cid kasta oo lagu eedeeyo inay isku dayayso inay carqaladeyso nabadda iyo amniga deegaannada Puntland.





