Xildhibaano dood ka keenay lebiska guddoomiye Sacdiya Yaasiin.

10 January, 2026

Xildhibaano katirsan golaha shacabka barlamaanka Jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia ayaa dood ka keenay hab lebiska…

Xildhibaano katirsan golaha shacabka barlamaanka Jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia ayaa dood ka keenay hab lebiska guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha xildhibaanad Sacdiya Yaasiin.

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesaw oo katirsan golaha shacabka ayaa sheegay in guddoomiye ku-xigeenku afka soo duubatay aysanna aqoonsan karin in shaqsiga guddoonka fadhiya yahay iyada iyo in kale.

“Lebiska xildhibaanku nidaam u gaar ah ayuu lee yahay, ilaa hadda waxaa shaki igaga jiraa in shaqsiga halkaan fadhiyaa guddoomiye ku-xigeenkii yahay anigii ayaaba ka shakiyey Sheekh Aadan Madoobe gabar miyuu meelahaas ka soo qabsaday ayaan islahaa”, Ayuu yiri xildhibaan Jeesaw.

Xildhibaan kale ayaa sheegay in guddoomiye Sacdiyo ay tahay in tallaabo laga qaado haddii ay qabto dhar ka soo horjeeda habdhawrka barlamaanka,”Xildhibaanka golaha shacabka haddii uu ku yimaado lebis aan waafaqsanayn diinta Islaanka lama ogola laakiin Haddii guddoomiye Sacdiyo soo xiratay dhar baal marsan hala qabto.”