28 February, 2026
Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ku matala degmada Buurxakaba ee gobolka Baay ayaa ku eedeeyey…

Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ku matala degmada Buurxakaba ee gobolka Baay ayaa ku eedeeyey ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Africa inay faragelin ku hayaan arrimaha siyaasadda degmadaasi.
Warqad rasmi ah oo ay xildhibaanadu u direen Guddoomiyaha African Union Commission iyo hoggaanka African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), ayey ku muujiyeen walaac ku saabsan waxa ay ku tilmaameen cadaadis iyo faragelin ay ciidamada Sector 3 ku hayaan maamulka iyo go’aan-qaadashada deegaanka.





