Xildhibaan Siciidd Cali Muuse oo ka tirsan golaha Shacabka barlamaanka jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa…

Xildhibaan Siciidd Cali Muuse oo ka tirsan golaha Shacabka barlamaanka jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa siweyn u dhaliilay qalalaasaha siyaasadeed ee ka socda deegaamo katirsan gobolka Sanaag.
Xildhibaanka ayaa sheegay in SSC KHATUMO iyo rabitaanka bulshada deegaamadaasi naf iyo maal lagu bixiyey ayse nasiib darro tahay iyo shaqsiyaad dano gaar ah leh iyo Villa Somalia ay u adeegsanayaan iskudir bulsho iyo falal ammaan xumo.
AKHRISO
” Waxaan Villa Hargeysa kula dagaalanay anagoo tageereeyna rabitaanka shacabka SSC iyo hadalada garaadada suldaamada iyo isimada SSC oo hal ku dhegoodu ahaa waxaan rabnaa in aan dhulkayaga iyo taladayada xor u noqono mana qaadanayo gunimo.
Anagoo ilaalinaayna go’aanka isimada iyo halganka Shacabka SSC oo ahaa mid saxa waafaqsana shuruucda Dalka iyo Daawladnimada waxaan eed iyo canbaarayn usoo jeedinay Madaxweyne Hassan Sheikh iyo R/Hamze oo markaa ka aamusay dilkii iyo barakicntii shacabka una arkaayay halganka SSC inuu yahay riyo iyo dhalanted aan meel fog garayn anagana noo arkaayay Mudanayaal caadifadi qaaday oo baal marsan system Daawladnimo nasiib wanaag waxaan awood u yeelanay in Golaha Shacabka BJFS dhexdiisa ka furo dood iyo garab istaag aan ku muujinayno xuquuqda Reer SSC iyo inaay xaq u leeyihiin talada Dalkooda iyo Dadkooda taasoo furtay albaabada Villa Hargeysa.
Hadaba halgankii SSC ma wuxuu noqday fursad Villa Hargeysa iyo 5danayte uga faa’ideystaan iska horkeenka iyo khalkhal gelin amniga Puntland iyagoo u jeedkoodu yahay kursi siyaasadeed”



