Xildhibaano ka soo horjeeda Madaxweyne Deni oo Garoowe ku shiray.

Xildhibaano katirsan barlamaanka Puntland kana aragti duwan xukuumadda Madaxweyne Deni, ayaa habeenimadii xalay kulamo siyaasadeed ka…

27 March, 2026

Xildhibaano katirsan barlamaanka Puntland kana aragti duwan xukuumadda Madaxweyne Deni, ayaa habeenimadii xalay kulamo siyaasadeed ka bilaabay Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Xubnahaan katirsan golaha wakiilada Puntland ayaa shirkooda ku sheegay in looga hadlayey xaaladda guud ee Puntland gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo abaaraha.

Mid kamid ah xubnaha shirka yeeshay ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in kulamadoodu sii socon doonaan maalmaha soo socda ayna warbaahinta la wadaagi doonaan war-saxaafadeed ku qotoma aragtidooda.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lafilayaa inuu maalmaha soo socda iskushaandhayn ku samayn doono golihiisa wasiirada, xilli ay dowladda federalka ah ee Somalia oo cadaadisyo siyaasadeed ku socdaan barbarwaddo saamaynteeda faragelinta maamul goboleedyada dalka.