Xildhibaano katirsan barlmaanka Jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia deegaan doorashadooduna tahay Somaliland ayaa ka hadlay waxka…

Xildhibaano katirsan barlmaanka Jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia deegaan doorashadooduna tahay Somaliland ayaa ka hadlay waxka beddelka dastuurka dalka iyo khilaafyada siyaasadeed ee xilligaan ay wajahayso Somalia.
Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo mar soo noqday RW ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in xubnaha ka soo jeeda gobolada Waqooyi looga baahan yahay inaysan faraha ka laaban marxaladda ay marayso jamhuuriyadda saddexaad ee Somalia.
“Siyaasiyiinta Somaliland badi waagii hore waa diidanaayeen Dastuurka SL, balse markii ay kuraasta ku fadhiisteen waa aqbaleen; Dastuurka Federaalka Xasan ma tolanayo, reerkiisa & deegaankiisa kuma taal, haddii la dhammaystiro cid kastuu anfacayaa, si fiican ayaa looga shaqeeyey Dastuurka”, Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed.
Dhankiisa Pro. Cabdi Ismaaciil Samatar oo katirsan golaha aqalka sare ee barlamaanka Somalia ayaa walaac ka muujiyey xaaladda dalka, wuxuuna sheegay in Somalia wajahayso marxaladdii ay ku duntey dowladdii dhexe 1991.
“Dhaqankan aan saaka arkay waa kii dowladnimadu kuduntay, Siyaaad Barre ka daroo dibi dhal ayey maraysaaye siyaasiyiinta dadka kala qabiilaynaya yaan la dhegaysan waa guulaysanaynaa”, Ayuu yiri Xildhibaan Pro Samatar.



