XIldhibaano katirsan barlamaanka Puntland ayaa taageeray kulan ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar kamid ah isimada…

XIldhibaano katirsan barlamaanka Puntland ayaa taageeray kulan ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar kamid ah isimada dhaqanka Puntland iyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaan Cabdirisaaq Sheekh Aduun iyo Xildhibaan Faarah Haruun oo Golaha Wakiillada ka soo gala gobolka Bari ayaa taageeray shirkaas, iyagoo taageero u muujiyey go’aamada kulankaasi.
“Waxaan si buuxda u taageersanahay dadaallada siyaasdeed iyo wada-tashiga ku saleysan is-afgarad ee ay hormuudka ka yihiin isimada dhaqanka iyo hoggaanka sare ee dalka”, Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay labada xildhibaan.
Xubnahaan ayaa intaasi ku daray,“Markaan si qoto dheer u garowsanay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, waxaan aaminsanahay in isimadu ay yihiin laf-dhabarta dhismaha dowladnimo, isla markaana ay door muhiim ah ka ciyaaraan dejinta khilaafaadka iyo ilaalinta wadajirka bulshada.”




