Xildhibaano katirsan labada aqal ee barlamaanka jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa deeq daawo ah gaarsiiyey…

Xildhibaano katirsan labada aqal ee barlamaanka jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa deeq daawo ah gaarsiiyey guddiga taakulaynta ciidamada Puntland ee ku sugan magaalada Boosaaso.
Deeqdaan ayaa xildhibaano katirsan barlamaanka Soomaaliya deegaan doorashadooduna tahay Puntland ugu talagaleen inay kaga qayb qaataan halganka ay dowladda iyo shacabka Puntland buuraleeyda Cal-miskaad kaga saarayaan kooxda argagixisada dah ee Daacish.
“Intaani ma ahan wax meel kale ka yimid waa deeq xildhibaanada maanta yimid iyo laba xubnood oo kale ay ugu talagaleen ciidamada, way dambaysaa oo waxaan isla garanay in mudada hawlgalku socdo inaan dadkeena dhex joogno oo garab istaagno”, Xildhibaan Xildhibaan Maxamed Xaylle.
“Ugu horrayn waan u hambalyeynayaa ciidamada Puntland ee geesiyaasha ah, kuwoodii dhintayna ha oranina waa dhinteen ee waa shahiideen waayo Alle ayaa yiri waa nool yihiin kuwiina xaqa ku dhinta ee idinkaan fahmayn, Puntland waa isku filantahay markaan qiimaynta samaynayna waan aragnay in dagaalka wax walba loo diyaariyey, argagixisadana halaag ayaa la marsiin doonaa”, Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Cali Cabdiraxmaan oo katirsan golaha shacabka barlamaanka Puntland, lagana soo doorto gobolka Bari.