Xildhibaano katirsan barlamaanka Somalia oo ku shiraya Nairobi.

Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ku matala deegaamada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Somalia, ayaa…

22 March, 2026

Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ku matala deegaamada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Somalia, ayaa shir ku yeelanaya Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta wada shaqeynta siyaasadeed iyo mideynta mowqifyada siyaasadeed ee xildhibaanada matala saddexda maamul xilli uu dalku marayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

Xubno katirsan xildhibaanada ku sugan Nairobi ayaa HM u xaqiijiyey inay ka arrinsan doonaan xaaladda guud ee dalka, khilaafka DFS iyo dowlad goboleedyada gaar ahaan xaaladaha ka soo cusboonaaday deegaamada Koonfur Galbeed Somalia.

” Sidoo kale, kulanka ayaa la filayaa in lagu falanqeeyo sidii loo heli lahaa mowqif mideysan oo ay saddexdan dhinac uga jawaabaan arrimaha taagan, loona xoojiyo iskaashiga siyaasadeed ee mustaqbalka.

“Maadaama caasimaddii laysku dhibaataynayo lanagana horjoogsaday inaan u safarno deegaan doorashooyinkeenii waxaan doorbidnay inaan dalalka deriska ku shirno kana hadalno xaaladda dalka”, Ayuu HM u sheegay xildhibaan laga soo doorto Koonfur Galbeed Somalia.