Xildhibaano katirsan golaha shacabka barlamaanka Jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia ayaa shaaciyey inay diyaariyaan mooshin xilka…

Xildhibaano katirsan golaha shacabka barlamaanka Jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia ayaa shaaciyey inay diyaariyaan mooshin xilka looga qaado guddoomiye Aadan Madoobe.
Xubno katirsan xildhibaanada mooshinka abaabulay ayaa sheegay inay ka kooban yihiin 103 xildhibaan, iyagoo guddoomiyaha ku eedeeyey inuu ku fashilmay maamulkii golaha kuna milmay siyaasaddii madaxtooyada.
Mudanayaashan ayaa si rasmi ah u saxiixay mooshin ay ku dalbanayaan in xilka laga qaado Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyagoo sheegay inay kala laabteen kalsoonidii ay u hayeen.
Tallaabadaan mooshinka looga diyaariyey guddoomiyaha ayaa timid kadib markii uu fashilmay kulankii maanta ee Baarlamaanka, kaas oo loogu talagalay in lagu qeybiyo lana meel mariyo wax ka beddelka Shan cutub oo ka mid ah Dastuurka.



