Xildhibaano ku sii jeedey Nairobi oo lagu xannibay Magaalada Muqdisho.

21 March, 2026

Xildhibaano katirsan labada aqal ee barlamaanka Somalia deegaan doorashadooduna tahay Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu xannibay…

Xildhibaano katirsan labada aqal ee barlamaanka Somalia deegaan doorashadooduna tahay Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu xannibay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia xilli ay ku sii jeedeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xildhibaanadaan oo intooda badan ka soo horjeeda qorshaha Villa Somalia ee Koonfur Galbeed iyo duullaanka ka dhanka ah Madaxweyne Lafta-gareen ayaa loo diidey inay ka baxaan Muqdisho, xilli horay loo joojiyey safarada Koonfur Galbeed.

Xubno katirsan barlamaanka ayaa sheegay in tallaabada looga joojiyey safarkooda ay ka dambayso dowladda Federalka ah ee Somalia oo diidan inay ka baxaan Muqdisho, si ay u muujiyaan qorshayaashooda siyaasadeed iyo tegitaanka deegaamadooda.

Xiisadda u dhexeysa dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koofur galbeed ayaa marba marka ka dambeysay sii xoogeysanaya, xilli ay labada dhinac wadaan abaabul siyaasadeed iyo mid ciidan oo siweyn isaga soo horjeeda.