Xildhibaano laga diidey mooshin xorriyad loogu raadinayo Sen. Gabboose oo xabsi guri ku jira.

1 March, 2025

Xubno katirsan xildhibaanada aqalka sare ee barlamaanka Somalia ayaa ku eedeeyey guddoomiya Cabdi Xaashi Cabdullaahi inuu…

Xubno katirsan xildhibaanada aqalka sare ee barlamaanka Somalia ayaa ku eedeeyey guddoomiya Cabdi Xaashi Cabdullaahi inuu diidey mooshin ay xorriyad ugu raadinayaan Senator Ilyaas Beddel Gabboose oo xabsi guri ugu jira maamulka Jubbaland.

Senator Cabdiweli Garyare oo kamid ah mudanayaasha qoray mooshinka xorriyad raadinta ayaa sheegey in guddoomiyaha Aqalka-sare ee Somalia Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu ka diiday mooshinkooda.

Maamulka Jubbaland ayaa xabsi guri dhigay xildhibaan Gabboose kadib markii uu sheegtay in loo doortay Madaxweyne Jubbaland isagoo gacan ka helaya madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa ka aamusan arrinta Gabboose, haseyeeshee madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo arrintaan wax laga waydiiyey waxa uu sheegay inuu meesha u joogo DFS oo keensatay Kismaayo.