Xildhibaano Mooshin ka diyaariyey Madaxweynaha Somalia.

28 March, 2026

Xildhibaano katirsan golaha shacabka barlamaanka Somalia ayaa guddoomiye Aadan Madoobe u gudbiyey mooshin ka dhan ah…

Xildhibaano katirsan golaha shacabka barlamaanka Somalia ayaa guddoomiye Aadan Madoobe u gudbiyey mooshin ka dhan ah Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Mooshinkaan oo ay soo diyaariyeen 134 xildhibaan ayaa Madaxweynaha loogu soo jeediyey dhaliilo ay kujiraan xaaladda deegaamada Koonfur Galbeed Somalia iyo qodobo kale.

Guddoomiyaha golaha shacabka Somalia Sheekh Aadan Madoobe oo qayb ka ah galka Baydhabo lagu qabanayo ayaa diidey qabashada mooshinkaan, sida ay warbaahinta u sheegeen xildhibaano katirsan barlamaanka Somalia.