Xildhibaano katirsan golaha shacabka barlamaanka Somalia ayaa si adag uga hadlay go’aankii maamulka Yuhuuddu dowlad madax…

Xildhibaano katirsan golaha shacabka barlamaanka Somalia ayaa si adag uga hadlay go’aankii maamulka Yuhuuddu dowlad madax banaan ugu aqoonsaday Maamulka Somaliland oo qayb ka ah Jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia.
Xubnaha ayaa sheegay in Somalia ay mid tahay aysanna meel u kala socon, iyagoo go’aanka Isra’il ku sifeeyey awood darro iyo inay waayeen xuluufo siyaasadeed oo caalamka ah.
“Wixii ay shalay ku dhawaaqday maamulka Yuhuuddu waxay caddeynaysaa quusta ay maanta taagan yihiin iyo inay naf ka raadinayaan kala googoynta Somalia”, Ayuu yiri xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire oo Puntland laga soo doorto.
Dhanka kalena, Xildhibaannad Maryan Maxamuud Ciise,“Maanta waa maalin madow oo lagu soo duulay jiritaankeenna ummadeed, waxaana soo jeedinaa in dhinac looga soo wada jeesto kooxda Sahnuuniyadda.”
Xubnaha kale ee hadlay waxaa kamid ahaa xildhibaanad Maryan Macalin oo sheegtay in Soomaaliya ay mid tahay aysanna sina ukala go’i doonin, “Soomaaliya waa mid mana kala go’do, waxaana leenahay waad ku khaldantihiin inaad Soomaaliya faraha lasoo gashaan.”



