Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa taageeray baaqyo kasoo kala baxay Dowlad Goboleedyada Puntland,…
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa taageeray baaqyo kasoo kala baxay Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Madasha Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta Qaranka kuwaas oo ku baaqayay in la qabto shir degdeg ah si looga wada hadlo xaaladda siyaasadeed iyo jihada mustaqbalka dalka.
Waxay sheegeen xildhibaanadu in baaqyadan ay yihiin kuwo muhiim ah oo u baahan in si dhab ah loo qaato, maadaama dalka uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo cakiran.
Xildhibaanada Golaha Samatabixinta ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in dowlad dhiska Soomaaliya uu khatar weyn ku jiro ayna lama huraan tahay in la helo hannaan siyaasadeed oo mideyn kara dhinacyada isku haya dalka. Waxaana lagu xusay war-saxaafadeedka in wadatashiga iyo shirweyne qaran ay yihiin dariiqa kaliya ee looga bixi karo khilaafka taagan.
Khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka iyo mucaaradka iyo maamul goboleedyada qaarkood u dhaxeeya ayaa sii xoogeysanaya iyadoo aysan muuqan qorshe cad oo lagu xasilinayo siyaasadda dalka.
Madasha Samatabixinta iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa si isku mid ah uga digay in la abuuro xaalad qalalaase ah, iyagoo ku adkeystay in dowladda federaalka looga baahan yahay inay ka laabato wax ka bedelkii Dastuurka KMG ah 2012 oo ah meesha khilaafka ugu badan ka taagan yahay.
Dhinacyada ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey muddo kordhin ku timaada muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku eg 15-ka May 2026. Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda heshiis la gashay xubno mucaaradka ka baxay waxaana heshiiska lagu caddeeyay in doorashada xildhibaanada iyo xisbiyada lagu saleyn doono nidaamka “qof iyo cod” halka Madaxweynaha ay dooranayaan xildhibaanada.




