Xildhibaano u kuurgalay hawlaha shaqo ee dekedda Boosaaso.

11 August, 2025

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Dowladda Hoose…

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Dowladda Hoose ee degmada Boosaaso iyo dekedda magaalada.

Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd in lagu kuur-galo habsami-u-socodka howlaha dowladeed iyo adeegyada ay bulshada magaalada Boosaaso ka helaan xarumahaasi.

Xildhibaanada ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhageystay mas’uuliyiinta Dowladda Hoose iyo maamulka dekedda, iyagoo diiradda saaray arrimaha maamulka, nadaafadda, adeegyada bulshada iyo horumarka guud ee magaalada.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah doorka kormeereed ee Golaha Wakiillada ee ku aaddan dabagalka iyo hubinta shaqada hay’adaha dowladda si loo xoojiyo isla xisaabtanka iyo hufnaanta adeegga bulshada.