Xildhibaano wada mooshin ka dhan ah RW Xamse.

8 August, 2025

Xildhibaanno ka tirsan mucaaridka Soomaaliya ayaa wado mooshin xilka looga qaadayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre…

Xildhibaanno ka tirsan mucaaridka Soomaaliya ayaa wado mooshin xilka looga qaadayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre sida uu xaqiijiyey Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Kamaal Guutaale. Tani ayaa qayb ka ah dadaallo dhowr jeer hore lagu isku dayey in lagu rido xukuumadda balse aan guulaysan.

Dhankiisa Xildhibaan Cabdiladiif Sanyare ayaa xaqiijiyey jiritaanka mooshinkan isaga oo sheegay in kalsooni kala-noqoshada xukuumadda la hor keeni doono Sabtida 23-ka Agoosto. Wuxuu intaas ku daray in mooshinka ay saxiixeen 120 mudane balse weli ay ka dhiman yihiin saxiixyada 20 mudane si loo dhammaystiro tirada loo baahan yahay.

Dhowr mar oo hore ayaa soo baxay warar sheegaya in mooshin xilka qaadis ah laga diyaariyey Ra’iisul Wasaare Xamse inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin xildhibaannadii hormuudka ka ahaa, Khilaafka u dhexeeya xukuumadda iyo qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa sii xoogaystay bilihii la soo dhaafay.

Waxaa jira xildhibaanno u ololeynaya isbeddel xukuumadeed, inkastoo mararka qaarkood kacsanaanta baarlamaanka lagu xallin jiray wada-hadallo hoose, Si kastaba ha ahaatee markan weli ma cadda in maalinta la cayimay uu mooshinku dhab ahaan u hirgeli doono.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo xaaladda siyaasadeed ee dalka ay marayso marxalad kacsan, halka mucaaridku ku doodayaan in loo baahan yahay hoggaan cusub oo ka jawaaba caqabadaha horyaalla xukuumadda oo ugu horayso doorasho wadar ogol ah oo dalka ka dhacda.