Qoraal ka soo baxay aqalka madaxtooyada dowladda Puntland ayaa loogu yeeray xubnaha xildhibaanada labada aqal ee…

Qoraal ka soo baxay aqalka madaxtooyada dowladda Puntland ayaa loogu yeeray xubnaha xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ku matala deegaamada Puntland inay kasoo qayb galaan shir wadatashi ah oo ka qabsoomaya Garoowe.
“Iyadoo laga duulaya xaaladda cakiran ee siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaan idinku casumaynaa kulan wadatashi oo aan kaga wada arrinsan doono wixii laga yeeli lahaa xaaladda ka sii daraysa ee sharci iyo siyaasadeed ee hannaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Kulanku wuxuu ka dhacayaa Caasumadda Dowladda Puntland ee Garowe, Maalinta Isniinta ah 2-da Bisha Maarso 2026 haddii Alle idmo”, Ayaa lagu yiri qoraalka.
Xildhibaano ka soo jawaabey dalabkii Madaxtooyada Puntland kuna wajahnaa Magaalada Garoowe ayaa dowladda Somalia ka celisey hawada, iyadoo diyaaraddii sidey lagu wargeliyey inaysan ka degi karin garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe.



