Xilliga ay qabsoomayso doorashada duqa degmada Carmo oo la shaaciyey.

30 June, 2025

Guddiga doorashada guddoonka golaha deegaanka degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa shaaciyey xilliga la dooran doono…

Guddiga doorashada guddoonka golaha deegaanka degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa shaaciyey xilliga la dooran doono hoggaanka cusub ee degmadaasi.

Guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay degmada Carmo ayaa shaaciyey in 30-ka June ilaa 2-da July la diiwaangelin doono musharixiinta guddoomiyaha, halka 4-ta July ay qabsoomi doonto doorashada guddoomiyaha cusub ee degmada Carmo.

Dhawaan ayey ahayd markii uu xilka iska casiley duqii degmada Carmo, isagoo sheegay inuu waajibaadkiisii shaqo ka gudan kari waayey xubnaha golaha deegaanka oo u badan dhalinyaro anfaca doon ah.