Xirsi “Dhibaatada ay shacabkeenu kala kulmayaan EVISA adkaysi ayey u leeyihiin”

27 October, 2025

Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee maamulka Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maanta safar dibada ah ka…

Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee maamulka Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maanta safar dibada ah ka soo noqday ayaa si caro leh uga hadlay nidaamka E-VISA ee ay hirgelisay dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay mid lagu dhibaateynayo dadka reer Somaliland ee dib ugu soo laabanaya dalka.

Xirsi ayaa sheegay in nidaamkan cusub uu si gaar ah u saameeyay dadka kasoo duulaya dalalka dibadda ee doonaya inay tagaan Somaliland, kuwaas oo lagu qasbayo inay si online ah u codsadaan fiisaha gelitaanka, taas oo uu ku sifeeyay “tallaabo siyaasadeed oo culeys lagu saarayo muwaadiniinta reer Somaliland.”

Guddoomiyaha xisbiga Waddani ayaa si toos ah ugu eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu jebiyay ballanqaadyadii uu hore u sheegay xilligii uu mucaaradka ahaa, isagoo ku adkeeyay in Somaliland aysan ka aqbalayn “cadaadis siyaasadeed” oo nooc kasta ah.

“Xasan Sheekh waxa aan u sheegayaa, tallaabadan waa mid sii kala fogaynaysa labada dhinac, Dadkayaguna adkaysi ayey u leeyihiin, wax dhibaato ahna kama cabsanayaan,” ayuu yiri Xirsi Cali Xaaji Xasan isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo Hargeysa lagu qabtay.

Hadalka Xirsi ayaa kusoo beegmaya iyadoo Soomaaliya ay dhowaan bilowday hirgelinta nidaamka E-VISA, kaas oo qof kasta oo aan wadan baasaboorka Soomaaliya looga baahan yahay inuu dalbado fiiso online ah, si uu dalka ugu safro – tallaabo ay dowladda ku sheegtay mid lagu xoojinayo amniga iyo nidaamka socdaalka.