Xisbi siyaasadeedka Horseed ee ka dhisan Puntland ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee Puntland…

Xisbi siyaasadeedka Horseed ee ka dhisan Puntland ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee Puntland iyo dhaqdhaqaaqyo ay wadaan, isimo, xisbiyo siyaasadeed iyo siyaasiyiin madax banaan.
Bayaan ka soo baxay Horseed ayaa lagu sheegay in xisbigu u taagan yahay midnimada dhuleed, dadeed iyo midda siyaasadeed ee Puntland uuna dowladda kala shaqaynayo dagaalka lagula jiro kooxaha nabaddiidka ah.
Dhanka kalena, Xisbi siyaasadeedka Horseed ayaa xukuumadda ugu yeeray in la dardargeliyo dhammaystirka waxka bedelka shuruucda iyo xeerarka doorashooyinka inta aan la gaarin diyaar garawga doorashooyinka xiga ee Puntland.






