Muqdisho –Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa…

Muqdisho –Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa digniin ka soo saaray wararka sheegaya in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay qorshaynayso weerarro ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed uu soo saaray xisbigu oo lagu xusay in Madaxweynaha Dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku sifeeyey mid muddo xileedkiisu dhammaaday uu qaadi doono masuuliyadda iyo cawaaqib kasta oo ka dhasha duullaan lagu qaado xarumaha siyaasiyiinta.
Xisbiga Himilo Qaran ayaa sheegay inuu si weyn uga walaacsan yahay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo ka digay in tallaabooyinka noocaas ahi ay horseedi karaan xiisado hor leh iyo xaalad amni oo sii murugta, xilli aan weli heshiis laga gaarin doorashooyinka dalka.
Dhanka kalena, Xisbiga Himilo Qaran ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda, waxgaradka iyo daneeyayaasha arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya inay sidhaw ula socdaan dhaqdhaqaaqyada DFS, loona baahan yahay in la ilaaliyo nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.





