Xisbiga KAAH ee Somaliland ayaa jawaab ka bixiyey hadallo kasoo yeedhay musharixiinta maamulka Waqooyi Bari xiligii…

Xisbiga KAAH ee Somaliland ayaa jawaab ka bixiyey hadallo kasoo yeedhay musharixiinta maamulka Waqooyi Bari xiligii doorashada halkaas oo lagu doortay madaxweyne Cabdulqaadir Firdhiye iyo ku-xigeenkiisa Cabdirashiid Abwaan. Musharixiinta ayaa sheegay in maamulka cusub uu doonayo soo celinta dhul ay sheegeen inuu kaga maqan yahay Somaliland iyo Puntland isla markaana fariimahooda si gaar ah ugu jeediyeen magaalada Ceerigaabo.
Guddoomiyaha xisbiga KAAH Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in hadalladaasi ahaayeen kuwo xambaarsan colaad iyo abaabul dagaal sokeeye isla markaana aan wax dan ah ugu jirin dadka deriska ah ee isku baahan. Wuxuu ku tilmaamay arrinta mid loo adeegsanayo dano siyaasadeed oo gaaban halka dadka Sanaag iyo Sool ay u baahan yihiin nabad iyo horumar.
“Sanaag iyo Sool Bari waa dhul ka tirsan soohdinta sharciga ah ee Somaliland. Sidaa darteed waxaa habboon in xurgufaha iyo khilaafka jira lagu xalliyo wadahadal iyo garnaqsi walaalnimo” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu
Maxamuud Xaashi ayaa ku adkaystay in Ceerigaabo aanay u baahnayn dagaal cusub, balse ay u baahan tahay nabad iyo caano loo wada siman yahay. Wuxuu intaas ku daray in dadka reer Ceerigaabo ay yihiin kuwii horey u jaangooyey masiirka magaalada, sidaas darteedna aan loo baahan in lagu kiciyo colaad aan wax faa’iido ah lahayn.
Ugu dambayntii KAAH ayaa ugu baaqay hogaanka cusub ee maamulka Waqooyi Bari in looga baahan yahay xal nabadeed oo ku wajahan gobolka Sanaag iyo qaybaha ka mid ah gobolka Sool, halkii ay ku mashquuli lahaayeen sheegasho dhuleed iyo hadallo kicin ah.



