Xisbiga SINCAD ayaa noqday xisbigii ugu horreeyay ee si rasmi ah uga hadlay baaqii ay dhawaan…

Xisbiga SINCAD ayaa noqday xisbigii ugu horreeyay ee si rasmi ah uga hadlay baaqii ay dhawaan soo saareen isimada dhaqanka ee gobolka Bari, kuwaas oo ku taliyay in dib-u-habeyn lagu sameeyo maamulka Puntland si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka bulshada.
War-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga SINCAD ayaa lagu sheegay in ay soo dhoweynayaan talooyinka isimada, isla markaana ay u arkaan kuwo muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka Puntland, maadaama isimadu yihiin udub-dhexaadka nabadda iyo dhismaha dowladnimada.
Xisbiga ayaa sidoo kale tilmaamay in xaaladda Puntland ay u baahan tahay isfaham guud iyo shirweyne ay si wadajir ah uga qeyb galaan bulshada rayidka ah, ganacsatada, culimada, iyo xisbiyada mucaaradka si loo helo hannaan siyaasadeed oo mideeya dadka reer Puntland.
War-saxaafadeedka ayaa lagu muujiyey taageero loo hayo ciidanka difaaca Puntland ee la dagaallamaya kooxaha argagixisada ee ku sugan buuraha gobolka Bari, iyadoo lagu ammaanay geesinimada ay muujinayaan ciidamadu.





