Xisbiga Towfiiq oo qaadacay natiijada doorashada Galmudug

Towfiiq wuxuu ku baaqay in dib loo eego geeddi-socodkii doorashada, lana saxo khaladaadka uu sheegay inay dhaceen, si loo xaqiijiyo doorasho xor ah, xalaal ah oo daahfuran.

4 August, 2026

Kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Galmudug, Xisbiga Towfiiq ayaa si cad u sheegay inuusan aqoonsanayn natiijada ay soo saareen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, isagoo ku tilmaamay mid aan ka tarjumayn rabitaanka shacabka.

Xisbiga ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in doorashadii dhacday 30-kii Luulyo 2026 ay hareeyeen hufnaan la’aan, cadaalad-darro iyo eedeymo la xiriira musuqmaasuq, kuwaas oo, sida uu sheegay, dhaawacay kalsoonida lagu qabo doorashooyinka qof iyo cod.

Towfiiq wuxuu ku baaqay in dib loo eego geeddi-socodkii doorashada, lana saxo khaladaadka uu sheegay inay dhaceen, si loo xaqiijiyo doorasho xor ah, xalaal ah oo daahfuran.

Inkastoo uu diiday natiijada, Towfiiq wuxuu doorashada ka helay 49 kursi oo isugu jira Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada. Golaha Wakiillada oo keliya ayuu ka hantiyay 12 kursi, hase yeeshee xisbigu wuxuu sheegay inuu filayay inuu helo kuraas intaas ka badan.

Horseed Media