Kooxda Hezbollah ee ay taageerto Iiraan ayaa sheegtay inay diidi doonto heshiis kasta oo u oggolaanaya Israa’iil inay sii joogto koonfurta Lubnaan, halka Israa’iil ay sheegtay inaysan ka bixi doonin aagga u dhow xuduudda.

Xabad joojin cusub oo dhawaan lagu dhawaaqay oo dhexmartay Israa’iil iyo Lubnaan ayaa durba cadaadis saaran yahay, iyadoo duqeymaha cirka ee Israa’iil ay kasii socdaan koonfurta Lubnaan saacado yar kadib markii la xaqiijiyay heshiiska.
Xisbullah ayaa diiday shuruudaha xabad joojinta ay gaareen dowladaha Lubnaan iyo Israa’iil wadahadalladii ay dhexdhexaadinayeen Mareykanka.

“Xabbad joojinta waa inay noqotaa mid dhammaystiran, iyada oo aan la kala saarin koonfurta iyo inta kale ee Lubnaan, iyo iyada oo aan cadowga Israa’iil lahayn xorriyad ay wax ku dilaan,” ayuu yiri hoggaamiyaha kooxda, Naim Qassem.
Wuxuu sidoo kale ku boorriyay dowladda Lubnaan, oo aan si rasmi ah ugu lug lahayn colaadda isla markaana saameyn xaddidan ku leh Xisbullah, inay joojiso wadahadallada tooska ah ee ay la leedahay Israa’iil.

Israa’iil iyo dowladda Lubnaan ayaa sheegay in “xabad joojinta la soo jeediyay ay ku xiran tahay joojinta weerarada Xisbullah iyo daadgureynta dhammaan howlwadeennada Xisbullah ee Qaybta Koonfureed ee Wabiga Litani.” Webiga Litani wuxuu qiyaastii 30 kiiloomitir u jiraa waqooyiga xadka Israa’iil iyo Lubnaan.
Wasiirka Difaaca Israa’iil Israel Katz ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay ku sii nagaan doonaan koonfurta Lubnaan oo u dhow xadka oo aysan u oggolaan doonin muwaadiniinta Lubnaan inay ku laabtaan guryahooda koonfurta dalka.



