Xubno sarsare oo katirsan kooxda nabaddiidka ah ee Daacish ayaa lagu soo warramayaa inay u baxsadeen…

Xubno sarsare oo katirsan kooxda nabaddiidka ah ee Daacish ayaa lagu soo warramayaa inay u baxsadeen godadka caanka ah SADOW iyo Yucurun oo kuyaal togga Baalade ee gobolka Bari.
Ilo wareedyo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in xubnaha la tuhusan yahay inay ka baxsadeen togga Miiraale uu kujiro Cabdiraxmaan Faahiye, iyagoo Miiraale uga tegey dagaalyahano ajaaniib u badan.
Malayshiyaadkaan horjoogayaasha u badan ayaa la sheegay inay door bidayaan difaacyada togga Baalade, iyagoo ka cabsi qaba diyaaradaha dagaal ee ay dhowaan soo iibsadeen ciidanka difaaca Puntland.
Ciidamada Puntland ayaa dhulka kaga raad jooga kooxda Daacish iyadoo ay hawada kala socdaan saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ka taageera dagaalka ka dhanka ah kooxaha nabaddiidka.