Xuutiyiinta Yemen ayaa qaaday duullaan cusub oo ay ku ballaarinayaan gacan-ku-hayntooda qaybo ka mid ah dalka,…

Xuutiyiinta Yemen ayaa qaaday duullaan cusub oo ay ku ballaarinayaan gacan-ku-hayntooda qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan xeebaha galbeed, iyadoo dagaalladii ugu dambeeyay ay kooxdaasi kula wareegtay magaalada istiraatiijiga ah ee Mocha, (Al-Mukha) iyo deegaano kale oo muhiim u ah isku xirka xeebta Badda Cas, marin-biyoodka Baab Al-Mandab ilaa gacanka Cadmeed.
Mocha ayaa muddo gacanta ugu jirtay ciidamada dowladda Yemen iyo xoogagga taageera, waxaana dagaalladii ugu dambeeyay magaalada looga saaray ciidamada National Resistance Forces ee uu hoggaamiyo Tareq Saleh, taasi oo Xuutiyiinta siisay goob istiraatiiji ah oo ku taalla xeebta Badda Cas, isla markaana aad ugu dhow Baab Al-Mandab, iyadoo magaaladu ay qiyaastii 60 ilaa 75 kiiloomitir u jirto marin-biyoodkan muhiimka ah.
Xuutiyiinta ayaa sidoo gaarey deegaanno kale oo ku yaalla xeebta galbeed ee Yemen, gaar ahaan Hays iyo Al-Khawkhah, oo dhammaan u fududayn doona isku xirka dhulka u dhexeeya Hodeidah iyo Mocha, taasi oo xoojjisay walaaca laga qabo in Xuutiyiintu isku dayayaan inay dhistaan dhul isku xiran oo ku fidsan inta badan xeebta Badda Cas ee Yemen, una dhow marin-biyoodka Baab Al-Mandab.
Dagaalka ayaa sidoo kale taabanaya jasiiradaha istiraatiijiga ah ee ku yaalla Badda Cas, kuwaas oo ay ka mid yihiin Perim ama Mayyun, Hanish Islands iyo Zuqar Island, Perim ayaa si gaar ah muhiim u ah, maadaama ay ku taallo gudaha Baab Al-Mandab, waxaana cidda maamusha heli doontaa goob muhiim u ah la socodka iyo cadaadiska maraakiibta isticmaala marin-biyoodka.
Duullaankan cusub ayaa yimid xilli xiisadaha Bariga Dhexe ay aad u kacsan yihiin, gaar ahaan dagaallada u dhexeeya Mareykanka iyo Israel oo isku dhinac ah iyo Iiraan, waxaan Xuutiyiinta Yemen oo xiriir dhow la leh Iran ay horay u sheegeen inay taageerayaan dhinacyada ay u arkaan inay ka soo horjeedaan Israel iyo Mareykanka, halka dowladda Yemen iyo xulafadeeda uu Sacuudigu hoggaamiyo ay kordhiyeen howlgallada militari ee ka dhanka ah kooxda.
Baab Al-Mandab ayaa ah meesha ugu weyn ee sababta dagaalkan loogu fiirinayo indhaha caalamka, waxaana Marin-biyoodkaani u dhexeeyaa Yemen iyo Geeska Afrika, gaar ahaan Jabuuti iyo Eritrea, wuxuuna isku xiraa Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Jabuuti waxay qiyaastii 30 kiiloomitir u jirtaa marin-biyoodka, halka xeebaha Eritrea ay iyaguna aad ugu dhow yihiin.
Xuutiyiinta Yeman ayaa gacanta ku haya Magaalooyin iyo dhul ballaaran oo ku yaalla waqooyi iyo galbeed Yemen iyadoo dowladda Yemen iyo xulafadeeda ay wali haysta goobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Aden, Marib, qaybo ka mid ah Taiz, Lahij, Shabwa iyo Hadramout, haseyeeshee guulihii asbuucaan aya ka dhigan guuldarro soo gaartey Xuluufada Sucuudiga.
Muhiimadda Baab Al-Mandab waxay ka dhalanaysaa in maraakiibta ganacsiga ee u kala goosha Aasiya iyo Yurub ay si weyn ugu tiirsan yihiin waddadan, iyagoo uga sii gudba Badda Cas iyo Kanaalka Suweys, haddii marin-biyoodkan uu xirmo ama maraakiibta caalamiga ah ay ka baqaan inay isticmaalaan, shirkadaha maraakiibta ayaa ku qasbanaan kara inay maraan dhinaca Koonfur Afrika iyo Cape of Good Hope, go’aankaasi oo dheerayn doona waqtiga safarka korna u qaadi doona qiimaha shidaalka iyo maciishadda caalamka.



