XOG: Maxaa ka soo baxay wadahadalkii Xasan Sheekh & Siciid Deni.

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal khadka telefanka ah oo saacado…

28 December, 2025

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal khadka telefanka ah oo saacado dheer qaatay shalay la yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Labada hoggaamiye oo aan wada hadal toos ah yeelan muddo ka badan saddex sano ayaa ka wada hadlay khilaafka dhexyaalla, xaaladda dalka, difaaca midnimada Somalia iyo tallaabadii maamulka Yuhuuddu ku aqoonsaday maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Somalia ayaa Siciid Deni hordhigay inuu ka soo qaybgalo shir uu isugu yeeri doono maamulada dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka & inuu cambaareeyo go’aankii Israa’iil Somaliland ugu aqoonsatay dowlad madax-banaan.

Saraakiil katirsan Madaxtooyada Puntland ayaa HM u xaqiijiyey in madaxweyne Deni sheegay in arrinta midnimadu ay tahay lama taabtaan haseyeeshee jawaabteeda ay leedahay DFS maadaama ay kamid tahay afarta tiir ee gaarka u ah DFS.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa si cad u diidey ka qaybgalka shirka uu gogoshiisa dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh isagoo sheegay in ay tahay inay marka hore u wada hadlaan Puntland iyo Villa Somalia, kahor inta aan la aadin shirka guud si loo xalliyo arrimaha khilaafka ka dhex abuuray.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambayn sheegay inuu ka soo fekeri doono qodobka wada-xaajoodyada gaarka ah, isagoo sidoo kale ballaan qaaday inuu hoos u dhigi doono faragelinada ay DFS ka waddo deegaamada Puntland.