Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa war saxaafadeed uu ku qabtay Ireland ku sheegay in aysan jirin wax xal militari ah oo laga gaaray colaadda Ukraine.

Rubio ayaa intaa ku daray in jawaabta Ruushka ee hindisaha xabbad joojinta ee Ukraine aan la ogeyn, isla markaana ay xiriir la sameyn doonaan Ruushka si loo ogaado heerka uu gaarsiisan yahay diyaargarowga ay ugu jiraan nabadda Ukraine.
Waxa uu ku macneeyay in Maraykanka iyo xulafadiisa ay aad u jecel yihiin in Ukraine ay nabad noqoto mustaqbalka fog, taasna aan la gaari doonin haddii aan la joojin.
Xoghayaha ayaa tilmaamay in heshiiska macdanta uu Ukraine siin doono amni iyo horumar, balse uusan noqon doonin damaanad amni.
Horseed Media