Xogta gogosha siyaasadeed ee uu dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka Gogosha…

1 June, 2025

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada, taas oo ka dhici doonta magaalada Muqdisho 15-ka Juun 2025.

Go’aankan ayaa ka dhashay wadatashiyo dhowr ah oo uu madaxweynuhu la yeeshay qaar ka mid ah madaxdii hore ee dalka, madaxda dowlad-goboleedyada, ururada siyaasadeed, iyo bulshada rayidka, si loo xoojiyo is-afgaradka siyaasadeed iyo midnimada qaranka.