Gudoomiyihii degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag Mustafe Axmed Caydiid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu…

Gudoomiyihii degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag Mustafe Axmed Caydiid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu isaga-casiley xilkii maamulka ugu sarreeya degmadaasi oo uu qabtay bishii 9aad ee 2023.
Guddoomiye Mustafe Axmed Caydiid ayaa qoraal kooban oo uu ku shaaciyey iscasilaaddiisa ku sheegay in arrintaani ay salka ku hayso qiimeyn iyo tixgelin qoto dheer oo ku saabsan duruufaha iyo maslaxadda guud ee degmada.
Degmada Xingalool ee gobolka Sanaag ayaa waxa muddooyinkii dambe ka taagnaa xaalado cakiran oo la xidhiidha dul daaqsimeed la xirmeeyey oo muran badan ka dhalisay deegaanka.
Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka deegaamada Qaar ayaa maamulka degmada horay ugu eedeeyey inay qayb ka yihiin deegaamayn iyo xirmaynta qaar kamid dhul-daaqsimeedkii degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag.




