Kooxaha hubeysan ayaa la wareegay guud ahaan 56 tuulo iyo meelo ka tirsan gobollada Xalab iyo Idlib.
Kooxaha hubeysan ee dagaalka kula jira ciidamada Nidaamka Bashaar Al-Asad ee Suuriya ayaa gaaray meel 1km u jirta xaafadaha bannaanka ee magaalada Xalab Khamiistii, sida ay sheegeen ilo maxalli ah.
Iska horimaadka ayaa horaantii Arbacada ka bilowday baadiyaha galbeed ee gobolka Xalab.
Kooxaha hubeysan ayaa la wareegay guud ahaan 56 tuulo iyo goobo ka tirsan gobollada Xalab iyo Idlib.
Sidoo kale waxay gacanta ku dhigeen hub culus, bakhaaro iyo gaadiid dagaal oo ay wateen xukuumada Bashaar Al-Asad oo ku sugnaa goobihii ay la wareegeen. Askar badan oo ka tirsan ciidamada maamulka ayaa lagu dilay iska horimaadka, waxaana kooxaha hubeysan ay gacanta ku dhigeen tobaneeyo askari.
Labadii maalmood ee la soo dhaafay oo dagaallo ay ka socdeen gobollada Xalab iyo Idlib, kooxaha mucaaradka ayaa la sheegay inay la wareegeen dhul gaaraya 400KM oo isku wareeg ah.
Kadib dagaaladii xalay oo dhan ka socday ayaa xoogaga mucaaradka waxa ay ku soo dhawaadeen xaafadda New Xalab, taasi oo ku taal duleedka magaalada.
Ku dhawaad 10,000 qof oo rayid ah oo ka cararay iskahorimaadyada ayaa gabaad ka dhigtay miyiga gobalka Idlib.
Dagaalka ayaa weli sii xoogeysanaya, waxaana hadda diiradda lagu hayaa bartamaha magaalada Xalab.
Cududa ciidamada Bashar Al-Asad ayaa hoos u dhacday kadib markii ay xoogaga Xisbullah ee gacanta-siin-jiray ay dib ugu noqdeen dalkooda Lubnaan, koonfurta dalkaasi oo ay ku dagaalamayeen Xisbullah iyo Israel.
Horseed Media