Xoogagga Lafta-gareen iyo ciidanka DFS oo ku dagaalamay duleedka Baydhabo.

Dagaallo culus ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka iyo xaafado kamid ah magaalada Baydhabo, kadib…

22 May, 2026

Dagaallo culus ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka iyo xaafado kamid ah magaalada Baydhabo, kadib markii ay weear ku soo qaadeen ciidan taabacsan maamulkii Koonfur Galbeed ee Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Dagaalkaan oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa laysu adeegsadey noocyada kala duwan ee hubka, iyadoo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya aysan weli bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababaha rasmiga ah ee dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay.

Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa dhawaan doorasho qof iyo cod ah oo natiijadeeda hadal-hayn dhalisay ka qabatay deegaamada Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana dhawaan qorshaysan doorashada Aadan Madoobe oo dowladdu riixayso.

Lafta-gareen iyo xoogagga taabacsan oo dibu-abaabul kujirey ayaa sheegay inay doonayaan dib u qabsashada Baydhabo oo ay duulaan milatari kaga qabsatay dowladda federalka ah ee Somalia.