Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Maxamed Maxamuud Ciise, Xildhibaano ka tirsan Golaha, masuuliyiin ka…

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Maxamed Maxamuud Ciise, Xildhibaano ka tirsan Golaha, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, maamulka gobolka, maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ayaa maanta magaalada Garoowe si diirran ugu soo dhoweeyay Xildhibaan Samakab Hussein oo ka tirsan Golaha Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ayaa soo dhoweynta Xildhibaanka ku tilmaamay mid sharaf iyo muhiimad u leh Puntland, isagoo xusay in booqashada Xildhibaan Samakab ay tahay fursad lagu xoojinayo xiriirka Puntland iyo Mareykanka.
Dhankiisa, Xildhibaan Samakab Hussein ayaa uga mahadceliyay Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad Ee Golaha, madaxda Puntland iyo shacabka Garoowe soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu booqasho rasmi ah ku yimaado Puntland, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqeynta dhexmarta labada dhinac.