Laahoor oo ah xubin sare oo ka tirsan argagixisada Daacish oo isku dhiibay ciidanka difaaca Puntland.

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ee dagaalka kula jira kooxda argagixisada Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad ayaa ayaa soo bandhigay madaxii dilalka qorsheysan ee kooxdaas xukumane Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid (Laahoor) kaas oo ciidanka isku soo dhiibay.
Laahoor oo ka soo baxsaday Daacish ayaa lagu soo bandhigay deegaanno hoostaga degmada Qandala ee Gobolka Bari, kadib markii uu u adkeysan waayay dagaalka kaga socdo dhinac walba.
Maxkamadda Ciidanka ee Puntland ayaa horay dil toogasho ah ugu xukuntay Laahoor oo lagu helay in uu ka mid ahaa Daacish , uuna hoggaaminayey qaraxyo kala duwan oo ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso, oo uu ugu dambeeyey qaraxii loo dhigay kolonyadii madaxweyne Deni 2022.