Beesha uu ka soo jeedo guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa…

Beesha uu ka soo jeedo guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa soo diyaarisay xubinta u buuxin doonta kursiga uu banneeyey Abwaan Jibriil oo qayb ka ah maamulka Waqooyi Bari.
Axmed Jaamac oo ka mid ah Xubnaha sare ee Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa warbaahintu ogaatey in Beeshiisu u soo xulatay y inuu buuxiyo kursigaasi, ilaa doorashooyinka xiga ee 2029.
Xubintaan ayaa lafilayaa in xildhibaanada barlamaanka Puntland xasaanadda siiyaan marka la gaaro kal-fadhiga xiga ee goluhu yeelan doono dhammaadka sanadkaan.
Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa hadda u sharaxan Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Waqooyi Bari Somalia, isagoo muddooyinkii dambe ku mashquulsanaa sidii uu saamayn ugu yeelan lahaa barlamaanka cusub ee maamulkaas.



