In ka badan 100 xildhibaan oo katirsan labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo…

In ka badan 100 xildhibaan oo katirsan labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen walaac kaga muujiyey xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxaana ay ugu yeereen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu iska casilo xilka.
Xubnahaan katirsan labada aqal ayaa cadeeyey in go’aannadii dhowaan kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka aysan ka turjumaynin rabitaanka guud ee saamilayda siyaasadeed, balse ay ahaayeen go’aammo uu gaaray hal urur siyaasadeed oo kaliya, waxaana ay soo jeediyeen.
Inuu kusoo laabto dariiqa sharciyeed ee dalka, kuna dhaqmo Dastuurka KMG ah.
Inuu bilaabo wadatashi qaran oo dhab ah, kaasoo ay ka qeybgalaan dhammaan saamilayda siyaasadeed ee dalka.
Inuu si degdeg ah uga baaqsado tallaabo kasta oo colaadeed oo lagula beegsanayo Jubbaland, si looga hortago khilaaf hor leh iyo burbur siyaasadeed oo dheeraad ah.
