Xubno Daacish miinooyin u aasayey oo la qabtay qaarna la toogtey.

9 February, 2025

Ciidanka Puntland ayaa horay ugu dhaqaaqay goobaha ay isku urursanayaan malayshiyaadka Daacish ee ku dhuumaalaysanaya gobolka Bari.

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa horumarro ballaaran ka sameeyey dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish lagu u gaarsanayo ee ka socda buuraleeyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

Xilli hore oo saaka ah ayaa ciidanku afar jiho kaga ruuqaansadeen goobaha la rumaysan yahay inay Daacish isku urursanayeen maalmihii la soo dhaafay, kadib markii looga adkaaday dagaaladii ay ku galeen deegaamada Dhariin iyo Qurac oo ku teedsan togga Jacayl.

Ilo wareedyo ku sugan Calmiskaad ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyey in ciidanku toogteen hal nin oo caddaan ah oo doonayey inuu ciidanka isku soo dhiibo kadibna isku dhex qarxiyo, taasi oo u suurtageli weysey kadib markii lagu amray inuu dharka kor u qaado si loo xaqiijiyo kahor inta aysan ciidanku toogan.

Dhanka kalena, ciidamada ayaa la sheegay inay qabteen laba nin oo Soomaali ah kuwaasi oo miino ku aasayey wadad isku xirta deegaamada Turmasaale iyo Quruc oo ah goob sahaydu u marto ciidanka difaaca dowladda Puntland.