Xubno katirsan mucaaradka Somalia ayna isku saami-qaybsi yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Nairobi ku…

Xubno katirsan mucaaradka Somalia ayna isku saami-qaybsi yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Nairobi ku yeeshay kulan ay kaga arrinsanayaan xaaladdaha siyaasadeed ee dalka iyo tallaabooyinka ay qaadday Dowladda Somalia.
Xubnahaan oo intooda badan ka soo jeeda deegaamada ugu horreeya ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qorsheeyey in laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ka walaacsanaa in looga guulaysto isgoysyadaan siyaasadeed ee xasaasiga ah.
Maalmihii u dambeeyey, dhinacyadan ayuu fuulayay culeys xoog leh oo uga imaanaya golaha Mustaqbalka kaas oo daaran in deegaan Doorashadooda ay tahay in ay kalifaan in laga hirgaliyo doorashooyin loo siman yahay, oo aan hal dhinacna kutamashleyn.
Xubno katirsan mucaaradka Muqdisho ee ku sugan Nairobi ayaa HM u xaqiijiyey inay doonayaan dejinta ajandayaal cad iyo qorshayaal ay la tagaan shirarka guud ee golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo loo balansan yahay dhammaadka bishaan.
Golaha baarlamaanka 11-aad ayaa mudo xileedkiisa maalmo kaharsan yihiin, lamana yaqaano nooca doorasho ee dalka oo heshiis siyaasadeed majiro, Shirkii golaha Mustaqbalka oo 10-ka bishan laquuldareynayay ayaa dib u dhacay dhammaadka bisha April.



