Xubno katirsan guddiga doorashooyinka oo lagu afduubta Hiiraan.

24 February, 2026

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya afduub habeenimadii xalay degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan loogu…

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya afduub habeenimadii xalay degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan loogu geystey saddex xubnood oo katirsan guddiga doorashooyinka dowladda federalka ah ee Somalia.

Afduubkaan ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen kooxo hubeysan, kuwaasi oo ka soo horjeeday hirgelinta doorashada qof iyo cod, taasoo Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso in lagu qabto qeybo ka mid ah dalka.

Ilaa hadda lama caddayn halka ay ragga afduubka geystey la aadeen saddexdaan xubnood oo aan laga warhayn xaaladdooda caafimaad, taasi oo walaac ku abuurtay xubnaha kale ee guddiga.

Dhacdadan ayaa imanaysa xilli ay sii kordhayaan muranka iyo xiisadaha la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka, iyadoo qaar ka mid ah beelaha iyo ururada siyaasadeed ay muujinayaan  shakisan weyn ee ku aadan qorshaha doorashada iyo awoodda guddiga doorashooyinka.