Xubno katirsan madasha mucaaradka oo kulan ku yeeshay Muqdisho.

30 November, 2025

Xubnaha madasha siyaasiyiinta Mucaaradka oo ay weheliyaan xildhibaano katirsan labada aqala ee barlamaanka Soomaaliya ayaa habeenimadii…

Xubnaha madasha siyaasiyiinta Mucaaradka oo ay weheliyaan xildhibaano katirsan labada aqala ee barlamaanka Soomaaliya ayaa habeenimadii xalay kulan diiradda lagu saarayey xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka ku yeeshay Magaalada Muqidsho.

Ilo wareedyo ka agdhaw siyaasiyiinta mucaaradka ayaa HM u xaqiijiyey in kulanka si gaar ah loogaga hadlay nooca doorasho ee dalka laga qaban karo, gaar ahaan haddii uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud mar kale isku soo sharxo kursiga Madaxweynaha.

1-Sida loo wajahayo qaabka doorasho ee xiga

2-In dowladda ay ku adkaatay hirgelinta heshiisyadii hore

3-Iyo muddo xileedka yar ee ka harsan Madaxweynaha oo ay mucaaradku aaminsan yihiin inuusan awood u lahayn inuu dib u habeyn doorasho ku furo dalka.

Madasha mucaaradka oo rumaysan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan muddo xileedkiisa inta ka dhimman ku qaban karin doorasho hufan, iyagoo 10-ka December qorsheynaya in ay u safraan magaalada Kismaayo, halkaas oo lagu wado inuu ka furmo shir siyaasadeed muhiim ah oo ay ka qaybgeli doonaan madaxda Puntland iyo Jubbaland.