Xukunkii Madaxweyne Lafta-gareen ayaaa markii ugu horraysay ka hadlay wixii ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo tallaabadii…

Xukunkii Madaxweyne Lafta-gareen ayaaa markii ugu horraysay ka hadlay wixii ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo tallaabadii ay Baydhabo kaga saareen ciidanka dowladda federalka ah ee Somalia.
Afhayeenkii maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku caddeeyey in Koonfur Galbeed lagu soo duuley haseyeeshee ay weli leedahay dowla rasmi ah oo caalamku aqoonsan yahay, taasi oo muujinaysa in Lafta-gareen uusan weli tanaasul ka muujin damiciisa haseyeeshee duruufuhu qasbeen.
Afhayeeenku wuxuu ku eedeeyey ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed inay hareer mareen waajibaadkoodii qaran duullaana ku soo qaadeen dad iyo deegaan Soomaaliyeed oo nabdoon, sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambayn wuxuu shacabka ugu baaqay inay isdejiyaan kana shaqeeyaan midnimadooda iyo sidii ay deegaankooda uga dhigi lahaayeen mid nabad ah oo horumarsan.



