Xukuumada Federaalka oo ansixisay Hindise Sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka

24 April, 2025

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa ansixiyay Hindise-Sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka Dowladda, kaas oo lagu hagaajinayo loona casriyeynayo nidaamka shaqo ee hay’adaha dowladda.

Hindise sharciyeedkan ayaa diiradda saaraya dib-u-habeyn qotodheer oo lagu sameynayo hab-maamulka shaqaalaha rayidka, iyadoo la xoojinayo ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka shaqaalaha dowladda.

Arrintan ayaa ka mid ah tallaabooyinka muhiimka ah ee lagu taageerayo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), taas oo ujeedadeedu tahay in la helo nidaam dowladeed oo hufan, waxtar leh, kuna dhisan isla-xisaabtan iyo cadaalad.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon.Yusuf Mohamed Adan ayaa ugu mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta Hindise sharciyeedkan oo markii ugu horreysay dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay tan iyo xeerkii hore ee Lr. 11, 2006.