Xukuumadda Cirro oo lagu amray inaysan wax wadahadal ah la gelin DFS.

14 April, 2025

Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa siweyn uga carooday safarkii Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xamse Cabdi Barre ku…

Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa siweyn uga carooday safarkii Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xamse Cabdi Barre ku tegey magaalada Laascaanood iyo tallaabadii DFS maamulka SSC ugu aqoonsatay dowlad goboleed rasmi ah.

Qoraal ka soo baxay aqalka golaha wakiilada maamulka Somaliland ayaa sharci darro loogu tilmaamay safarka Xamse ee gobolka Sool, waxaana loogu baaqay xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro inay joojiso wadahadalada DFS iyo maamulka Somaliland.