Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga doorashooyinka Dowladda Puntland,…

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga doorashooyinka Dowladda Puntland, ayaa goobjoog ka noqday wareejinta xeerarka doorashooyinka ee kala ah.
1- Xeerka Doorashooyinka.
2-Xeerka Ururada iyo Xisbiyada Siyaasadda.
- Wax-kabadelka Xeerka Diiwaan gelinta Codbiyaha.
Xeerarkaas oo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamuud Cumar uu ku wareejinayey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Faderaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Xirsi Qarjab.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa boggaadiyay shaqada ay qabteen Guddigu, waxaana uu xusay in Puntland ay ka go’an tahay hirgalinta hannaanka doorashooyinka Dumuqraadiga ah, isagoo tallooyin ka dhagaystay guddiga doorashooyinka.
Xeerarka Doorashooyinka ee lagu wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha , ayaa Wasaaraddu horgeyn doontaa Golaha Wasiirada si loo mariyo Goleyaasha Dowladda, Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiiru Dowlayaasha Madaxtooyada iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.




