Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo ka duuleysa talo-soojeedinta Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 19-kii bishaan ku dhawaaqday in 1-da Febraayo 2026 magaalada Muqdisho ay ka furmeyso gogol wada-hadal qaran oo u dhexeysa Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo ka duuleysa talo-soojeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 19kii Janaayo 2026 ku dhawaaqday in 1da Febraayo 2026 magaalada Muqdisho lagu qaban doono gogol wada-hadal qaran, taas oo u dhexeysa Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Iyadoo taas la tixraacayo, Guddiga Wasiirrada ee wada-hadallada Xukuumadda ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27da Janaayo 2026 bilaabey wadatashiyada qeybaha bulshada iyo saamileyda siyaasadda, waxaana maanta qabsoomay wadatashiga koowaad oo ay ka soo qeybgaleen Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka iyo Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed.
Qodobada wadatashiyada diiradda lagu saaray ayaa kala ah;
- Wadajirka iyo Midnimada Qaranka.
- Amniga iyo La Dagaalanka Khawaarijta.
- Dhameystirka Dastuurka.
- Doorashooyinka.
- Xaaladda Abaaraha.
Guddiga Wasiirradu waxa ay ka mahadcelinayaan wadatashiga maanta ay la yeesheen qeybaha bulshada. Waxa kale oo ay ka mahadcelinayaan aragtiyaha iyo talooyinka wax ka oolka ah ee ay la wadaageen.





