Wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa kulan muhiima la qaatay bulshada gobolka Mudug, kaasi oo ahaa wada-tashi…

Wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa kulan muhiima la qaatay bulshada gobolka Mudug, kaasi oo ahaa wada-tashi diiradda lagu saaray dhageysiga tabashooyinka shacabka iyo ka jawaabista baahiyaha taagan, iyadoo ay ka muuqato diyaar garow dhab ah oo labada dhinac ba ah.
Kulanka ayaa waxa looga hadlay qodobadan oo ka soo baxay;
Daraasad cusub oo la xiriirta biyo-ka saarista magaalada, taasoo lagaga gol leeyahay, in si waara looga saaro biyaha fadhiya ee Gaalkacyo, loona xoojiyo nadaafadda iyo badbaadada deegaanka.
Qorshaha dhismaha wadada isku xirta Xarfo iyo Gaalkacyo, oo loo arko mid fure u ah isku socodka, ganacsiga, iyo kobaca dhaqaalaha guud ee Puntland, taasi oo wasiirradu sheegeen in la guda geleyo.
Mashruuca dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, oo dowladda ay tilmaantay inuu yahay mid mudnaan gaar ah leh, laguna taageerayo isku xirka gobollada iyo horumarinta duulista rayidka.
Dood furan oo ay ka qeybgalayaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka socota gudaha kulanka, iyadoo shacabka ay si toos ah u cabirayaan aragtidooda, ugana hadlaya baahiyaha dhabta ah ee horyaalla gobolka; Wasiirrada ayaa dhankooda sharxaya qorshayaasha dowladda iyo sida loogu talagalay in wax looga qabto arrimaha taagan.



