Xubno katirsan golayaasha kala duwan ee dowladda Puntland oo maalmahaan ku sugnaa gobolka Mudug ayaa kulan…

Xubno katirsan golayaasha kala duwan ee dowladda Puntland oo maalmahaan ku sugnaa gobolka Mudug ayaa kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Galkacyo.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadgelyada, ilaalinta xasiloonida, iyo kor u qaadidda wada-shaqeynta u dhaxeysa hay’adaha dowladda iyo bulshada deegaanka. Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga dooday xaaladda amni ee gobolka, caqabadaha jira, iyo sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha saameynta ku leh colaadaha soo noqnoqda.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Xirsi Cali oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay wadajirku, isaga oo ku booriyay shacabka iyo masuuliyiinta heer gobol in ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga si loo xaqiijiyo xasilooni buuxda. olka.
Tallaabadaan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu habeenimadii xalay Madaxweynaha Puntland Isbeddel ku sameeyey laamihii ammaanka gobolka Mudug iyadoo taliska qaybta loo magacaabay sarkaal ka soo jeeda gobolka Nugaal.




