Xukuumadda Puntland oo loogu yeeray inay deg deg wax uga qabato masiibada tahriibka.

30 May, 2025

Guuleed Saalax Barre oo kamid ahaa siyaasiyiintii u sharaxnaa xilka madaxweynaha Puntland ee doorashadii 2023 ayaa…

Guuleed Saalax Barre oo kamid ahaa siyaasiyiintii u sharaxnaa xilka madaxweynaha Puntland ee doorashadii 2023 ayaa ugu baaqay xukuumadda Puntland inay qaaddo tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xakamaynayo tahriibka dhalinyarada.

Ugu horrayn Guuleed Saaxla ayaa waxa uu ka tacsiyeeyey dhalinyaradii tahriibtay ee ku geeriday badda u dhexaysa Spain iyo Algeria”Murugada waxaan la qeybsanayaa ehelada iyo qoysaska ay tacsidu u taallo ee ubadkoodu ay ku geeriyoodeen badda u dhaxaysa Aljeeriya iyo Spain.”

“Tiirayanda tacsidan waxaa si gaar ah looga dareemayaa guri kasta oo Puntland ah, maadaama dhallinyarada badankood ay ka soo jeedeen deegaankan, taas oo muujinaysa dhibaatadu ay tahriibtu ku hayso Puntland” ayuu sii raaciyay Guuleed Saalax.